Maktabadda qofka ugu dhow (Ditt bibliotek)
Ku saabsan faayraska karoona ee cusubiyo cudurka covid-19
Bankeryds bibliotek
Bankeryds bibliotek waxay ku taalla bartamaha degmada Bankeryd. Waxaa maktabadda laga helaa fursad dhaqdhaqaaqyo joogto ah, oo loogu talagalay dadka waawayn iyo ilmaha, sida qaddar sheeko-xariir, bandhigid, booqashooyinka qorayaasha iyo buug-aqris wadareed. Maktabadda waxay go`aansatay in ay noqoto ” maktabadda halabuurida”. Waxaa kaloo maktabadda laga hela makhaayadaha si wadjir wax looga tolo, dhacdoono ku salaysan dhaqdhaqaaqa halabuurid kuwaasoo loogu talagalay ilmaha iyo dadka waawayn. Waxaa kaloo taasi sii dheer gidaar farshaxan, oo ah fursad suurtagelinayso dhaqdhaqaaqa halabuurid ku salaysan. Waxaa kaloo ku yaallo waax buugag ku saabsan dhaqdhaqaaqa halabuurid.
Ku soo-dhowaada qolka nasahada ee degmada Bankeryd – maktabadda halabuurida!
Gränna bibliotek
Gränna bibliotek waxay ku taalla Grenna Kulturgård.
Maktabadda waxaa laga xulan karaa buugagga yaalaan kuwaasoo tiradood ah 29 000 iyo wargeysyo iyo wargeys-xilliyeed kala duwan oo tiradooda gaarayso 50.
Waxaa kaloo la helaa fursad lacag la`aan lagu ballansado, mid kamid ah 5 kombyuutar oo maktabadda yaalaan kuwaasoo khadka internetka leh. Bay`adda iftiinka leh oo degan ee maktabadda waxay suurtagelinaysa helida jaw degan oo wax lagu barto. Maktabadda waxay kaloo leedahay tiro wax lagu barto oo loogu talagalay kooxaha casharada wax aqrista iyo kuwa qofka keligiis loogu talagalay.
Ku soo-dhowaada maktabadda cusub ee saacadada dheeraad furan, oo ku taallo bartamaha degmada Bankeryd. Maktabadda waxaa laga helaa buugagga iyo warbaahin loogu talagalay da` kasta iyo boosas qaddar la fadhisto oo shaah/qaxwo laga cabbo.
Huskvarna bibliotek
Huskvarna bibliotek waxay kamid tahay maktabadda shicibka ee degmada ugu waawayn.
Huskvarna bibliotek waxay ku taalla dabaqadda ugu hooseeyso ee daarta maamulka magaallada ee cusub Stadshuset Madängen. Waxaa goobta laga hela dhaqdhaqaaq lacag la`aan sida makhaayadaha luqadaha lagu barto [språkkafé], qaddar sheekoxariir, caawinaadda casharada, caawinaadda barashada IT iyo qaabka loo qor CV-ga, naadiga buugagga loogu talagalay ilmaha iyo makhaayad gabdhaha loogu talagalay.
Norrahammars bibliotek
Norrahammars bibliotek waxay goob la qaybsataa goobaha wakhtilummiska Norrahammars fritidsgård, taasoo saacadaha caadiga ka sokoow suurtagelinayso in ay habeenada qaarkood ay furan tahay saacado dheeraad ah. Saacadahaas waxaa suurtagal noqon karto in, qalabka kombyuutarka laga soo baxsado buugagga la ballansaday ama laga amaahdo buugag cusub.
Råslätts bibliotek
Råslätts bibliotek waxay ku taalla bartamaha degmada Råslätt - Stadsgården, waa guri dhaqdhaqaaq badan leh, oo uu ku yaallo goobaha wakhtilummiska, dugsiga xannaanadda albaabada u furan, goob lagu dabaalado iyo dugsiga dhexe.
Waxaa halkaas laga aqrisan karaa wargeysyada, la isticmaali kara kombyuutar, wax laga koobigaraysan karaa, laga sameeysan karaa scan, laga amaahan karaa buugag, buugagga codka iyo filimada. Waxaa maktabadda laga helaa buugag ku qoran luqado kala duwan oo loogu talagalay ilmaha, dhallinyarada iyo dadka waawayn. Waxaa kaloo maktabadda laga hela buugagga ku qoran af-iswiidish fudud.
Jönköpings stadsbibliotek
Stadsbibliotek waxaa la hirgeliyay 2016 kaddib markii dhismaha la cusboonisiiyay. Goobaha cusub waxaa loo dhisay qaab waafaqsan codsiga booqasheyaasha. Dadka badidooda waxay naga codsadeen goobo fadhiga ku wanaagsan.
Dabaqa sare waxaa ku taallo waax, ay yaalaan buugag ku qoran sheekooyinka khayaaliga iyo kuwa aqoonta. Waxaa kaloo laga heli karaa aqoon ku saabsan taariikhda maxaliga, taariikh-noololeed, filimada iyo wargeys-xilliyeedyada waana lacag la’aan. Qofku wuxuu soo jeedin karaa talo xiriir la leh dhaqdhaqaaq cusub ama wixii maktabadda loo soo iibin lahaa.
Ku soo-dhowaada wax amaahsasho, wax aqrisasho iyo halabuurida maktabadda!
Tabergs bibliotek
Inkastoo maktabadda aynan sidaa u waynayn, haddana waxaa laga helaa tiro buugag oo kala duwan, kuwaasoo loogu talagalay dadka waawayn iyo ilmaha.
Tenhults bibliotek
Waxaa laga helaa buugag, buugagga codka, filimo, laga amaahan karaa kombyuutar, laga isticmaali karaa WIFI oo lacag la`aan ah, wax laga koobigaraysan karaa iyo laga isticmaali karaa kaydka kombyuutarka yaalo, sida kuwa lagu baadigoobo ehellada. Maktabadda waa goob dadwaynaha ku nool degmada Tenhult ay ku kulmaan. Waxaa ku yaallo shileemo loogu talagalay ilmaha, kaasoo halabuurkeeda ka dambeeyo Tor Svae. Markii makatabadda ay furan tahay waxaa mar kasta laga daawan karaa filim.
Visingsö bibliotek
Maadaama Visingsö bibliotek ay tahay maktabad-dugsiyeed waxay ku dhex taalla dugsiga Braheskolan. Visingsö bibliotek waa maktabad loogu talagalay dadyoowga ku nool ama ku sugan Visingsö. Maktabadda waxay ku dhex taalla dugsiga Braheskolan agagaarka kiniisadda Kumlaby kyrka.
Ödestugu bibliotek
Ödestugu bibliotek waxaa loogu talagalay dadyoowga degan degmada Ödestugu iyo agagaarkeeda. Waa maktabad aan sidaasi u waynayn oo xoogeeda la saaray dhawaanshada. Qofka aan ka helin wixii uu baadigoobayay wuu waydiin karaa. Maadaama maktabadda ay ka tirsan tahay shabakada Jönköpings bibliotek waxaa suurtagal noqon karto in laga helo wixii laga dalbado. Maktabadda dhow waxay siyaabo kala duwan taageero ka hesha sockenrådet ee degmada Ödestugu.
Österängen bibliotek
Maktabadda waxay ku taalla dabaqada dhulka, agagaarka albaabka laga soo galo Österängens centrum, waxayna ka soo horjeeda isteeshanka baasaska. Österängen bibliotek ee cusub waxay leedahay goob waawayn oo iftiin leh. Waxaa maktabadda yaallo saddex kombyuutar, makiinadaha wax lagu koobigaraysto oo midab leh iyo kuwa wax lagu scan garaysto. Waxay kaloo leedahay goob wax lagu aqristo iyo goob carruurta ku ciyaaraan, waxaana loogu talagalay da`kasta. Maktabadda waxaa yaallo makiinada laga iibsado qaxwo/shaah. Xitaa qol casharada lagu aqristo ayay maktabadda leedahay. Waxaa kaloo laga hela fursad lagu booqdo hoolka farshaxanka Österängens konsthall kaasoo u dhow maktabadda. Ku soo-dhowaada!
Öxnehaga bibliotek
Öxnehaga bibliotek waa maktabadda iyo goobta dadwaynaha ku kulmaan. Maktabadda waxaa laga helaa buugag ku qoran luqado tiro badan, wargeys-xilliyeedyada, filimada, buugagga codka, kombyuutaryo leh khadka internetka oo la ballansan karo iyo shabakada Wifi oo lacag la’aan ah. Sannad kasta waxay maktabadda qaban-qaabisaa boqolaalo dhaqdhaqaaq, sida tusaale makhaayadaha luqadaha lagu barto ee loogu talagalay dadyoowga dhowaan dalka yimi, muxaadaro iyo axadaha loogu talagalay hawlaha yaryar ee qoysaska iyo qaddar sheekoxariir.