Nidaamka amaahsashada (Låneregler)

Ku saabsan faayraska karoona ee cusubiyo cudurka covid-19

Kaarka amaahsashada waa ”fure” shaqsiyeed oo waxtar u ah adeegyada maktabadda laga helo. Sidaas awgeed, qofku waa in mar kasta u haysta markii uu maktabadda booqanayo! 

Qaadashada kaarka amaahsashada kahor waa in qofku uu kaarka aqoonsiga oo masawirkiisa ku dhegsan yahay ku cadeeyaa aqoonsigiisa, oona kaddib magaciisa kaarka ku saxiixa.

Saxiixa wuxuu qofku ku ballanqaadayaa in uu aqbalay nidaanyada amaahsashada ee maktabadda u degsan, iyo in uu raali ka yahay in warbixin-shaqsiyeedkiisa laga diiwan geliyo diiwanka maktabadda. Warbixin-shaqsiyeedka ma ahan wax dadwaynaha ka dhaxeeya.

Qofka magaciisa kaarka ku qoran ayaa gebi ahaan mas`uul ka ah qaab kaarka loo adeegsado, xitaa haddii uu qof kale isticmaalo. Haddii qofku uu kaarka amaahsashada ka lummo waa in uu durbadiiba ciribtira waxtarkiisa. 

Yaa la siin karaa kaarka amaahsashada (Vem kan få ett lånekort)

Kaar qofka u gaar ah waxaa la siin karaa kaddib markii ilmaha ay 6 sano buuxsadaan. Haddii qofku usan weli 18 sano buuxsan, waa in uu haystaa kaarka aqoonsiga ama ruqsad qoraal ah oo uu soo qoray xilhaayeha xannaanadda/waalidka. Foomka halkaan ayaa laga helaa.

Heshiiska amaahsashada ee loogu talagalay da`yarta aan weli 18 sano buuxsan, ee uu qoro xilhaayeha xannaanadda/waalidka, 82 KB

Qofka aan lahayn tobbanka lambar aqoonsiga ee dalka Iswiidan, wuxuu adeegsan karaa adeegyada maktabadda. Xaaladaas wuxuu isticmaali karaa kaarka loo yaqaanno LMA-kort oo weli waxtarkiisa aan dhicin.

Da`yarka ku talo jiro in uu amaahdo filimada iyo cajaladaha cayaaraha telefiishanka ku salaysan PEGI 16+ waa in uu 16 sano buuxsaday.

Qofka ku talo jiro in uu adeegsado adeegyada elektroonikada ku salaysan ee loo soo maro barta internetka, in isticmaalida makiinadaha amaahda, waa in lambarada sirta ah oo ka kooban (afar lambar) iyo kaarkiisa amaahsashada ay is-leeyihiin. Haddii qofku uu iloowo afarta lambar ee sirta ah, wuxuu caawinaad kala xiriiri karaa maktabadda, laakin waa in uu haysta kaarka aqoonsiga.

Muddada amaahsashada (Lånetider)

Muddada amaahsashada caadi ahaan waa 4 toddobaad. Markii qofku uu wax amaahdo waxaa la siiyaa warqad xusuus-qor ah, taasoo ku qoran waxa uu amaahday iyo taariikhda laga filanaayo in uu dib uu soo celiyo. Qofka waxaa waajib ku ah in uu soo xusuusto taariikhda dib u soo celinta wixii uu amaahday. 
Haddii wixii qofku uu amaahday usan qof kale dalban, waxaa suurtagal noqon karto in muddada amaahsashada uu ku darsado ugu badnaantii 2 jeer. Iyadoo la adeegsanayo Mina sidor ama maktabadda u qofku ka tirsan yahay ama khadka takeefanka ayuu qofku ku darsan karaa muddada wixii uu amaahday.

Kharashka la soo daahida (Förseningsavgifter)

Haddii qofku uu la soo habsaamo wixii uu amaahday waa in uu bixiya kharashka la soo habsaamida. Haddii qofka loo soo diro warqad [kravbrev] wuxuu bixinayaa kharash dheeraad ah. Sidaasoo haddii qofku uu gebi ahaan dib uu soo celin wixii uu amaahday waa in uu bixiyaa qiimahooda. Isla nidaamkaas ayaa hirgalay haddii uu dib uu soo celin buugagga ama uu haleeyo waxyaalihii uu amaahday. 

Kaddib markii muddada amaahsashada ay dhamaato, waxaa qofka loo soo dira dhawr warqado iyo hal waarqad ku qoran qiimaha wixii uu amaahday. Waa in uu 14 maalmood gudahood uu dib uu soo celiyaa wixii uu amaahday. Kaddib waxaa arrinta loo gudbinayaa waaxda dhaqaalaha [Stadskontorets ekonomienhet]. Haddii arrinta waaxda lagu wareejiyo suurtagal ma noqon doonto in dib loo soo celiyo wixii la amaahday. Xaaladaas qofku waa in uu bixiyaa lacagta ku qoran qaansheegada. 

Haddii qofku usan bixin daynta ay maktabadda ku leedahay, waxaa laga ciribtirayaa waxtarka kaarka amaahsashada. Xadka daynta waa 100 karoon.