Maktabadda cusub (Ny på Biblioteket)
Ku saabsan faayraska karoona ee cusubiyo cudurka covid-19
Helida kaarka amaahsashada (Få ett lånekort)
Kaarka amaahsashada waa lacag la`aan. Qofku waa in uu aqoonsigiisa ku cadeeyaa kaarka aqoonsiga [ID-kort] ama kaarka loo yaqaanno [LMA-kort], kaddib wuxuu hawlwadeneyada maktabadda ka codsan karaa in ay caawiyaan.
Qofka waxa u rabo wuxuu ka baadigoobi karaa kaydka buugagga ee maktabadda (Sök i bibliotekskatalogen)
Haddii la adeegsado afargeysta baadigoobka ee barta internetka ee maktabadda, waxaa laga baadigoobi karaa buugagga, buugagga hab fudud loo qrisan karo, buugagga elektroonikada, buugagga elektroonikada codka iyo filimada. Baadigoobida iyo warbixin dheeraad darteed waxaa la isticmaala oo goobta lagu qora cinwaanka buugga, magaca qoraaga ama mowduuc.
Qofku wuxuu amaahan karaa ama ballan-qabsan karaa buugagga (Låna och reservera böcker)
Qofku wuxuu buugagga maktabadda yaalaan u dhawr toddobaad, ku soo aqrisan karaa aqalkiisa kaddib dib u soo celin karaa. Laakin amaahsashada awgeed, wuxuu qofku u baahan yahay in uu haysto kaarka amaahsashada. Iyadoo la adeegsanayo kaarka amaahda iyo diiwangelin kaddib, ayaa buugagga laga qaadan karaa makiinadaha loogu talagalay, ama miiska warbixinta. Qofku waa in uu fiirogaar siiyaa taariikhda ugu dambayso ee laga filanayo in uu buugga dib u soo celiyo, oona kahor soo celiyo haddii kale waa in uu bixiyaa kharashka la soo daahida.
Haddii buugga u qofka doonaayo usan oolin maktabadda, ama uu yaallo maktabad kale wuxuu awooda in uu buugga ballansado. Qof hawlwadenayada kamid ah ayaa arrinta ka caawin karto, ama wuxuu qofku ka dalban karaa barta internetka ee maktabadda. Haseyeeshe, ballansashada darteed waa in uu lambarka kaarka amaahsashada/tobbanka lambar aqoonsiga iyo lambarka sirta ah uu ku gala.
Buugagga hab fudud loo qrisan karo (Lättlästa böcker)
Maktabad kasta waxaa laga helaa buugagga hab fudud loo qrisan karo oo ku qoran af-iswiidish, qaamus, naxwaha af-iswiidishka, luqado kala duwan iyo koorsooyinka luqadaha. Waxaa la hela buugagga hab fudud loo qrisan karo oo loogu talagalay ilmaha, dhallinyarada iyo dadka waawayn.
Aqrisashada wargeysyada (PressReader) - wargeysyada-elektroonikada iyo wargeys-xilliyeedyada elektroonikada (Pressreader - E-tidningar och E-tidskrifter)
Adeegga [PressReader] waxaa laga helaa wargeysyo tiradooda ka badan 5000, oo dalal tiradooda ka badan 100-laalo laga soo saaray, kuna qoran 60-meeyo luqado.
Kuwa af-iswiidishka ay ku qoran yihiin waxay ka badan yihiin 50-meeyo (sida tusaale Svenska dagbladet, Göteborgs-Posten, Hallandsposten, Aftonbladet) iyo wargeys-xilliyeedyada, kuwaasoo tiradooda ay ka badan yihiin 150 (sida tusaale Plaza, Bike, Din hund, Allt om resor, Modern psykologi).
Wargeysyada iyo wargeys-xilliyeedyada waxaa lacag la’aan, lagu aqrisan karaa haddii qofku isku xiro wifiga maktabadaha kuwaasoo iyagana ku xiran adeegga [PressReader]. Qofku wuxuu caawinaad kala xiriiri karaa hawlwadeneyada maktabadda.
Adeegga aqrisashada wargeysyada (PressReader) iyadoo la adeegsanayo mobayl ama tablett (Pressreader på mobil eller surfplatta)
Qofka ku tala jiro in adeegga aqrisashada wargeysyada [PressReader] awgeed, uu isticmaali mobayl ama tablett, waa in uu marka hore soo degsada [app]. Kaasoo magaciisa ah "PressReader" waana lacag la’aan. Waxaa laga soo degsada App Store, Windows apps ama GooglePlay.
Kaddib markii qofku uu isku xiro wifiga maktabadda, oona guda galo shabakada maktabadda, wuxuu awoodi karaa in muddo ka kooban 72 saacadood, u aqristo ama uu soo degsado wargeysyada, iyadoo haddana aan fiirogaar la siinin halka uu ku sugan yahay. Wargeysyada/wargeys-xilliyeedyada ee uu soo degsaday wuxuu qofku aqrisan karaa isagoo aan khadka ku jirin.
Adeegga aqrisashada wargeysyada (PressReader) ee kombyuutarrada maktabadaha laga helo (Pressreader på bibliotekens datorer)
Qofku wuxuu kaloo isticmaali kara adeegga aqrisashada wargeysyada ee kombyuutarrada maktabadaha laga helo, www.pressreader.com. Xaaladaas uma baahna in uu wax ku duubto qalabyadiisa.
Dhaqdhaqaaqyada maktabadaha (Aktiviteter på biblioteken)
Hoosta cinwaanka Aktiviteter waxaa laga aqrisan karaa dhammaan dhaqdhaqaaqyada maktabadaha degmada Jönköping laga helo.