Tusaha bulshada (Samhällsvägledning)

Ku saabsan faayraska karoona ee cusubiyo cudurka covid-19

Ma dareentaa inay kugu adagtahay innaad xog saxan ka hesho bulshada Iswiidhan iyo xafiisyadeeda? 

Ma iswaydiisaa su'aalo khuseeya xafiisyada jinsiyadaha, canshuuraha, caymiska, shaqaalaha iyo xafiiska daryeelka dadka waaweyn?

Ma rabtaa innaad macluumaad ka hesho qaabka ay u shaqeeyaan xanaanada caruurta, dugsiyada caadiga ah iyo guud ahaan waxbarashada iswiidhan?

Haddii jawaabtaadu HAA tahay, soo dhowoow oo nala soo xiriir/xidhiidh. 

Waxaan kaa caawineynaa innaan kuu tilmaano xafiisyada iyo dadka saxda ah ee aad la xiriirayso hawshaadana qaabilsan.

Xaalada cusub ee caabuqa Covid-19 dartiis, iyo iyadoo la tixraacayo talooyinka bahda caafimaadka si loo yareeyo xiriirka iyo la kulanka dadka iyo fiditaanka caabuqa waxaa adeegii TUSAHA BULSHADA si ku meelgaar ah loogu bedelay in laga dhigo telefoon. 

 

Fadlan ka eeg macluumaadka cusub boga internetka ee maktabada iyo weliba waraaqaha ogeysiiska ee suran derbiyada maktabadaha.

Wixii faah-faahin dheeraad ah, waxaad kala xiriiri kartaa kormeeraha bulshada ama maamulaha mashruuca isdhexgalka bulshada iyo telefoonada hoos ku qoran.  

Wakhtiga telefoonada (Carabi iyo Iswiidhish)

Waad Gorgos, tel. 036-106760.
Isniin -kl. 9.00-13.00 

Jimce –kl. 09.00 – 13.00 
 

Wakhtiga telefoonada (Soomaali, Carabi, Iswiidhish iyo Ingiriis)

Abdullahi Ali Jama, tel. 036-106750
Isniin -  kl. 8.00-16.00  

Talaado – kl. 08.00 – 11.00 

Jimce – kl. 08.00 – 16.00 


Soo dhowaada, xanuunkana illaahay ha inaga dulqaado.

Bild på två personer som samtalar med varandra.