Scan-garaysashada, daabacadaysashada ama koobigaraysashada (Scanna, skriva ut, kopiera)

Ku saabsan faayraska karoona ee cusubiyo cudurka covid-19

Halkaan hoos waxaa ku qoran waxyaalaha maktabadaha laga qabsan karo.

Scan-garaysashada (Scanna)

Maktabadaha hoos ku xusan waxaa laga helaa adeegyada scan-garaysashada:
Jönköpings stadsbibliotek, Huskvarna, Gränna, Bankeryd, Öxnehaga, Råslätt, Taberg.
Scan-garaysashada waa lacag la’aan. Qalabka usb ee uu qofku ku keydsado wixii la scan-gareeyay waa in uu qofku haysto. Scan-garaysashada darteed wuxuu usb ka amaahan karaa maktabad
da.

Daabacadaysasho (Skriva ut)

Maktabad kasta waxaa laga helaa adeegyada daabacadaysashada. Maktabad kasta waxaa laga helaa fursad daabacadaysashada cad/maddow.
Tan kale maktabadaha Jönköpings stadsbibliotek, Huskvarna, Gränna, Bankeryd, Öxnehaga, Råslätt waxaa laga daabacadaysan kuwa midabyada leh
Qiimaha:
A4 cad/maddow: 2 kr
A4 midab: 4 kr
A3 cad/maddow: 4 kr
A3 midab: 8 kr

Koobigaraysashada (Kopiera)

Maktabada kasta waxaa kaloo la helaa fursadda koobigaraysashada cad/maddow.
Tan kale maktabadaha Jönköpings stadsbibliotek, Huskvarna, Bankeryd, Öxnehaga, Råslätt waxaa laga koobigaraysan karaa, midab
Qiimaha:
A4 cad/maddow: 2 kr A4 cad/maddow labada bog/dhinac: 4 kr
A4 midab: 4 kr
A3 cad/maddow: 4 kr
A3 midab: 8 kr

Adeegga koobigaraysashada Jönköpings stadsbibliotek awgeed, waa in kahor la iibsada kaarka koobigaraysashada. Kaasoo qiimahiisa yahay 25:- kaddib waxaa lagu shuban karaa 10:- (5 xabo koobi maddow/caddaan).
Kaddib wuxuu qofku kaarka ku shuban karaa lacag dheeraad ah, kaasoo goor dambe ama markii uu baahdo isticmaali karo. Kaarka waxaa laga iibsan karaa miiska warfaafinta ee yaalo albaabka laga soo galo. Hawlwadeneyada ayaa qofka ka caawini karo buuxinta kaarka.

Isticmaalka kombyuutarka (Använda dator)

Dhammaan maktabadaha waxaa yaallo kombyuutarro oo khadka internetka leh. Kaasoo hab fudud lagu guda galo iyadoo la adeegsanayo, lambarka kaarka amaahsashada ama tobbanka lambar aqoonsiga iyo lambarrada sirta ah.
Qofka aan haysan kaarka amaahsashada, waxaa laga caawini karaa helidiisa, laakin waa haddii uu haysto kaarka aqoonsiga oo sax ah.
Qofka qaab kumeelgaar ah maktabada u booqdo, waxaa la siin karaa kaarka martida laakin waa haddii uu haysto kaarka aqoonsiga oo sax ah.

Wifi (Trådlöst internet)

Maktabad kasta waxaa laga helaa fursad lagu isticmaalo wifi.