Guud ahaan ku saabsan maktabadda ( Allmänt om biblioteket)

Maktabadaha waxaa laga helaa oona laga amaahdaa buugagga, buugagga hab fudud loo qrisan karo, filimada, cayaaraha telefiishanka ku salaysan, buugagga codka, buugagga elektroonikada iwm. Waxa keliyaa ee uu qofku u baahan yahay waa kaarka amaahsashada.

Boggaan waxaa laga aqrisan karaa warbixin ku saabsan waxyaalaha goobta maktabadda laga sameeyn karo. Waxa kale ee laga heli karo waxaa weeyaan xiriiriyeyaal la kaashan karo, oo loogu talagalay qofka dalka Iswiidan ku cusub. Maktabadda waxaa kaloo laga hali karaa tiro badan oo kala duwan oo ah dhaqdhaqaaqyo, kuwaasoo lacag la´aan laga qaybgeli karo.

Jönköpings bibliotek waxaa loogu talagalay qof kasta! (Jönköpings bibliotek är till för alla!)

Warbaahinta ballaaran ee af-iswiidish iyo luqado kale ku qoran ee laga helo maktabadda ka sokoow, waxaa maktabada laga hela adeegyo lacag la’aan ah, sida ku isticmaalka kombyuutarrada, qalabka tablett oo khadka internet leh, scan-garaysasho iyo daabacaad. 
Qofka adigoo kale ah oo dalka Iswiidan ku cusub Ny i Sverige – wuxuu iskafaalaha ka heli karaa buugag ku qoran af-iswiiwish fudud. 
Maktabadaha waxaa kaloo laga helaa dhaqdhaqaaqyo lacag la’aan ah, sida tusaale caawinaadda casharrada, qaddar sheekoxariir, makhaayadaha luqadaha lagu barto [språkcafé], koorsooyinka kombyuutarrada iyo hagida bulshada. Waa goob qaxwo/shaah loola cabbo saaxiibo cusub laguna carbiyo barashada af-iswiidishka. Waa dhaqdhaqaaq/adeegyo ku salaysan wadashaqaynta maktabadaha. Magaalada Jönköping waxaa isku-darkii ku yaalaan 14 maktabo.

Hawlgallada maktabadaha waxay ku salaysan yihiin daacadnimo, ammaan iyo soo-dhowaynta qof kasta.

Maktabadda ka amaahsashada iyo maktabadda dib ugu soo celinta oo kala duwan (Låna här lämna där)

Maktabadaha ku yaalaan degmada Jönköping, waxaa suurtagal noqon karto in wixii makabad laga amaahday, dib loogu soo celiso maktabad kale oo aan ahayn tii qofku uu ka amaahday. Tan kale, wuxuu qofku heli karaa fursad uu buug kaga dalbado maktabad aan ahayn tan degmadiisa ku taalo, laakin uu buugga dalbaday ka qaadan karo maktabadda ku taallo degmodiisa.

Ku soo-dhowaada maktabadda!